Ciidamada Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin waxaa ay la wareegeen gacan ku heeynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud

Ciidamada Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo wada socda aya dib kaga  qabsaday  deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud dagaal ay ku qaadeen Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dagaalo saakay la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan oo ka dhacay nawaaxiga iyo gudaha Deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in uu haatan qaboobay wallow aanay jirin warar rasmi ah oo laga helayo dhinacyadii dagaalamay.
Afhayeenka Xisbul Islaam Muuse Cabdi Caraale  ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xibul Islaam ay ka soo hoyeen guulo  islamarkaana ay gacanta ku dhigeen deegaanka Wabxo oo dhawaanahaan ay gacanta ku hayeen Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.
Waxaa kale ee uu sheegay in ay qabsadeen tiro gaadiidka dagaalka ah oo ay kala wareegeen Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca .
Xiriirka deegaanka waxbo ayaa suuragal aheyn   kaddib markii la jaray isgaarsiinta deegaanka Wabxo oo ilaa  haatan hawada ka maqan.
waxii war kasoo kordha dagaalada ka socda  deegaanka wabxo kala soo xirriir www.silgor .com

Add New Comment