Duqeyn iyo Qaraxyo ka dhacay degmooyin ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

Degmooyin ka mid ah gobalka Banaadir ayaa si xirriir ah  shalay, xalay ilaa saaka waxaa ka dhacayay duqeyn iyo qaraxyo dhimasho iyo dhaawac u geysatay  dad rayid ah,ciidamada iska soo horjeedda iyo AMISOM.

Duqeyn ay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho ay u geysteen xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ku dhintay afar ruux, tiro kale oo intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka dhintayna uu ku jiray Xoghayaha guud ee Kooxda Dekedaha.

Duqeyn xalay ka dhacday Degmada Dharkeenley oo ay iyana ku dagaallameen dhinacyda  isaga soo horjeeda ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay afar ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ahaa dadkii ku haray degmada oo aan ku barakicin .

Qarax loola dan lahaa Ciidamada Amisom oo saaka  aroortii ka dhacay Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa uu geystay dhimashada hal ruux oo rayid iyo dhaawaca labo ruux oo kale waxaana weli la hubin qasaraha soo garay ciidammada AMISOM.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa waxay tahay mid kasii darayso oo dadkuna ay kasoo barakacayaan goobaha ay dagaalada ka socdan sida degmooyinka Hodan,Madiina, Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Boodheere kuwaasoo noqday goobo dagaal oo madaafiicda iyo rasaasta laysu weydaarsado si naxariis la'aan ah.

Add New Comment