guri ku yaal degmada xamarweyne oo ku dul dumay dadkii ku noolaa

Guri ku yaala Degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir ayaa saakay waxaa uu ku soo dumay dadkii ku hoos noolaa oo ahaa dad kusoo barakacay iyadoo dadkaasi qaarkoodna nolal lagu badbaadiyey qaarna ay ku naf -waayeen.
Inta la ogyahay  seddex qof ayaa ku dhimatay shan kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray  gurigaasi kusoo dubmay  .
Kaddib markii gurmad xoogan oo ay sameeyeen dadka reer Xamarweyne iyo ciidamada booliiska ee degmada Xamarweyne ayaa waxaa ay ku guuleyteen in ay ka soo saaraan burburka guriga ku dumay degmadaasi ilaa shan qofood oo bad qaba  ,
Askari ka tirsanaa Dowladda oo goobtaasi ammaankeeda sugayay ayaa xab kaga fakatay dadweynihii kusoo baxay goobtaasi  waxaana xabadahaasi la furay ay keentay in  2 qof  ay ku dhintaan 2 kalana ay ku dhaawacman..
 Dumista gurigani waxa sababay  isaga oo ahaa gurigani mid waqti hore la dhisay isla markaasina aan helin dacaytir joogta ah iyo saamayn xoogan oo ay ku yeesheen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ayay Magaalada Muqdisho.

Add New Comment