Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan xoogaga dowladda ka soo horjeeda.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed aya sheegay in ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan xoogaga ka soo horjeeda ee dagaalada kula jira dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta ka hadlayay kulan uu la qaatay culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha ka soo horjeeda,waxana uu tilmaamay in kooxahaasi aysan aqoon dheeraad ah u laheeyn diinta Islaamka Sida uu Hadalka u Dhigay.

 “Waxaad la Socotiin dadka haatan Diinta Sheeganaya oo diin ayaan wax ku dilaynaa leh oo dadka muslimiinta laynaya diintuna waa ka fogtahay,magaca ay ku howlgalayana waa magac islaam laakiin xaqiiqado waxaa ay tahay Aqoon diinta uma lahan boqolkiiba 95-nin mas’alo kutaabka kala soo bixi kara kuma jiro”ayuu Yiri Madaxweyne Shariif.

Waxaa uu sheegay madaxweynihu in aysan meesha ku jirin sabab ay xiligaani kadib gacmaha u laabtaan maadaama sida uu tilmaamay la sii daadinayo dhiiga Muslimiinta.
 
“innagu waxaan cadeynaynaa in Ilaa qofka inoogu dambeeyo uu dhimanayo in aan dagaalka joojinayn,Waxad la socotiin in dadkaani laga soo  taakuleeyo Eritrea,waxaana sidoo kale laga yimid Afganistaan,Pakistaan iyo Ciraaq Janno ayaa Soomaaliya loo soo doontay,dadkaan musliinta oo dhibaataysan Janaada loo soo doontay Maxay tahay”ayuu hadalkiisa intaasi  ku sii daray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 Waxaa uu ku eedeeyay madaxweynuhu Xoogaga la dagaalamaya in ay bililaqo u geystaan meelaha ay la wareegeen taasoo uu sheegay in ay ku sheegaan Qaniimo uu tilmaamay in aysan jirin diinta Islaamka meel ay kaga taalo.

 Hadalka Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo u muuqday mid aad  xasaasi u ah ayaa  imaanayaa xili ku dhawaad 6-malin oo xariir ah Magaalada Muqdisho ay ka jiraan dagaalo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan dowladiisa iyo xoogaga ka soo horjeeda Taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac dad fara badan oo ay sii dhaartay Barakac baahsan.

Add New Comment