Dagaalo cusub oo aad u xoog badan ayaa ka qarxay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Galabta oo khamiis ah waxaa dagaal  ka bilowdey qeybo ka mid ah Degmada Hodan  ee Gobolka Banaadir,Dagaalkaa oo  ay soo qaadeen  Ciidamada DKMG ah Goobaha uu Dagaalkani ka socdo waa Tarabuunka, Taleen ilaa Warshada Caanaha.
 Dagaalkaas ayaa ah dagaal aad u xoogan wuxuuna  u dhaxeeyo ciidamadda Dowladda iyo kuwa mucaaradka waxaa laysku adeegsanayaa Hubka nuucyadiisa kala duwan .
waxaa kaloo jirta rasaas xoogan oo Ciidamada labada dhinac isku haya ay soo raacinayaan Wadooyinka waaweyn taasoo keentay in ay joogsadaan dhammaan dhaqdhaqaaqii dadka iyo gawaaridaba.

ilaa hadda  lama hayo Qasaaraha dhabta ah ee Dagaalku geestay .
waxaana hadda Degmadaasi dib uga  Biloowday Qax aad u xoogan oo Shacabkii ku harsanaa ka baxayaan.

Wixii warar ah ee ka soo baxa kala soco www.silgor.com

Add New Comment