Xarig-jiidkii Saldhigga Yaaqshiid oo weli socda, dowladda KMG ayaana markii ugu dambeysay sheegtay inay gacanta ku hayso


Maxaakiimta11.jpgSaraakiil ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa galabta sheegay in ciidamada Dowladda ay u suurtagashay inay dib u qabsadaan goobihii saaka barqanimadii laga qabsaday kaddib markii ay dagaal qaraar la galeen ciidamada Xisbul Islaam oo ayagu markii dambe kusoo fiday xaafado kale oo hor leh sida Fagax iyo Lafweyn.

 

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee taageersan Dowladda  KMG Soomaaliya Muxuyidiin Xasan Jurus oo u hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kadib dagaalo xoogan oo ay la galeen ciidamada Ururka Xisbul Islaam ay cidamada dowladda u suurta gashay in ay la wareegeen dhammaan degaannadii barqanimadii maanta laga qabsaday oo uu ku jiro Saldhiga Degmada Yaaqshiid iyo deegaanada  ku dhow dhow oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Xisbul Islaam.

 

Guddoomiye Jurus ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladdu uu qabsaday gebi ahaanba waaxda Jungal ee degmada Yaaqshiid, waxa kale oo uu sheegay in uu jiro qasaare ka dhashay dagaalladaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacba, mana sheegin tiro go'an.

 

Dagaallada ka socda degmada Yaaqshiid ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, wax guul lagu sheegi karano lama kala gaarin oo waxa maalin kasta la maqlaa "saldhigga Yaaqshiid ayaan qabsanay" saldhiggaas oo ah guri burbursan oo aan wax faa'ido ah u lahayn dhinacyada dagaallamaya, magaca maahee ayaa waxa uu sababaa in ay ku burburaan guryo dhisnaa iyo hanti kale oo ay dadweynuhu leeyihiin.

Add New Comment