Madaxweyne Sheekh Shariif oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in dalka lagu soo rogay xukun deg-deg ah


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in dalka lagu soo rogay xukun deg deg ah  kaddib markii ay maalmo ka hor u soo jeediyeen Golaha Wasiirada.

newshrfB.jpgMadaxweyne Sheekh Shariif oo shir jaraa'id oo ka shacay Xarunta Madaxtooyada ugu qabtay warbaahinta  ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad qatar ah, isagoona ku baaqay in Dowladda la difaaco,waxaana uu sheegay in kooxo argagixiso ah ay dalka ku soo duuleen.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale difaacay mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan dalbashada ay ka dalbatay dalalka deriska la ha Soomaaliya inay u soo diraan ciidamo taageera kuwa xukuumadda ee dagaalka ba'an kula jira kooxaha kasoo horjeeda.

Sheekh Shariif waxa uu ugu dambeyntii sheegay in dowladdiisu ciidamada ay dalbatay aysan ahayn kuwo dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed, balse ay yihiin oo qura kuwo Ciidanka Xoogga Dalka ka taageeri doona wiiqidda awoodda ciidan ee kooxaha ka soo horjeeda.

Add New Comment