Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi iyo ciidamo la socda oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan oo ay la socdaan ciidamo lagu qiyaasay in tiradoodu ay gaareyso kun  ay maanta soo gaareen magaalada.

CXaashiB.jpgWararka qaarna waxay sheegayaan in wasiirku uu socdaalkiisaan ku weheliyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Col Cumar Xaashi Aadan ayaa intii uusan soo gaarin magaalada Beledweyne kasoo kicitimay dhulka Ismaamulka Soomaalid Ethiopia, halkaasoo uu kasoo kaxeystay ciidamo taabacsan Dowladda KMG Soomaaliya oo uu halkaasi tababar ugu soo dhammaaday.

Col. Cumar Xaashi ayaa la sheegayaa inuu abaabul ka bilaabi doono gobolka Hiiraan, kaasoo la qorsheynayo in maamulka dowladda lagu gaarsiiyo gobollada dhexe ee dalka, ayadoo sida laga war qabo ay gobollada koonfureed ee Soomaaliya intooda badan ay ka taliyaan xoogagga kasoo horjeeda dowladda.

Kaddib markii uu soo galay magaalada Beledweyne ayaa wasiirka waxa si diirran ugu soo dhoweeyey halkaas mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee taageersan dowladda ee ayagu ka arrimiya qaybo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku jirto magaalada Beledweyne.

Sidoo kale ayaa waxa lagu soo warramayaa in gobollada Bakool, Bay iyo Gedo ay iyagana ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamo iyo hoggaamiyeyaal taageersan Dowladda KMG ee Soomaaliya, kuwaas oo ka dhan ah xoogagga hadda gacanta ku haya gobolladaa ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Add New Comment