Ciidamada Dowladda oo horumar ka sameeyey dagaallada ka socda Muqdisho, qabsadayna goobo cusub


Dagaallo ayaa weli kasii socda degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, dagaallaadaas oo u dhexeeya ciidamada Dowladda KMG iyo kooxaha kasoo horjeeda, kaddib markii ay saakay halkaas isku fidiyeen ciidamada Dowladda.

Dagaalladan oo socday muddo saacado ah ayaa waxa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladdu ay kasoo hooyeen guulo, kaddib markii ay xoogagga Islaamiyiinta kala wareegeen goobo ay horey ugu sugnaayeen oo ay in muddo ahba gacanta ku haayeen.

Waxa sidoo kale lagu soo warramayaa in dagaalladu ay hadda ka socdaan degaannada degaanno ka tirsan degmada Dharkeenley oo ay maqanta duhurnimadii ku soo fideen, degaannadaas oo ay ka mid yihiin Xoosh iyo Tobakaayo Madoow ayadoo weliba ciidamada dowladdu ay qabsadeen Saldhigga Galbeed oo isla degmadaas ah.

xooggaB.jpgGudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdfataax Shaaweeye oo ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda ka saareen Dharkeenley Kooxaha ka soo horjeeda, isagoona cadeeyay in saldhiga ay haatan iyaga ku sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka ka socda Degmada Dharkeenley ayaa waxaa uu sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay dad rayid ah si u kas ah u dileen.

Sidoo kale dagaal goos goos ah ayaa iyana ka soconaya degaanno ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana dagaalka ka socda Yaaqshiid oo ah mid xoogaa ka qabow sida dagaalkii dhacay maalinnimadii shalay ay ciidamada dowladdu kusoo ceshadeen gacan ku haynta Saldhigga Yaaqshiid iyo xarunta degmada oo ay hadda ku sugan yihiin.

Dagaalladan u dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxa ka muuqanaya in ciidamada Dowladdu ay lasoo baxeen dar dar cusub oo muujineysa inay yihiin kuwo u babac dhigi kara xoogagga dowladda ka soo horjeeda ee ay la dagaallamayaan.



Add New Comment