Wasiirada Gaashaandhigga NATO oo uu maant shir looga hadlayo burcad badeedda uga furmay Brussels


Wasiirada Gaashaandhiga ee  gaashaanbuurta ay ku midoobeen waddamada reer galbeedka ee  NATO ayaa maanta waxa magaalada Brussels ee waddanka Belgium uga furmay shir socon doona labo maalmood oo ay uga hadlayaan xaaladaha ka jira waddamada Afghanistan, Soomaaliya iyo Kosovo.

 

Wararka kasoo baxaya kulankan maanta ka furmay magaalada Brussels ayaa sheegaya in burcad badeedda Soomaalida aad loogaga hadli doono inta uu socdo shirku, ayadoo sidoo kalana qiimeyn lagu sameyn doono xaaladaha ammaan ee ka jira waddamada Afghanistan iyo Kosovo.

 

Wasiirada ayaa sidoo  kale waxaa ay ku guubaabin doonaan Waddamada xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO qaabka ugu fudud ee wax looga qaban karo ciribtirka daahirada cusub ee ay burcad badeedda Soomaalidu ku soo kordhiyeen xasilloonidarradii horeba uga jirtay mandiqada Geeska Afrika.


Wararkan ka imanaya Xarunta Gaashaanbuurta NATO ayaa waxay kusoo aadayaan xilli ay dhowaan warbaahinta dalka Soomaaliya soo bandhigeen barnaamijyo iyo wareysiyo ay bixiyeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Badda Soomaaliyeed oo ay ku sheegeen in la billaabay howlo dib loogu soo dhisayo Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

 


Add New Comment