Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay go'aanka dowladda Talyaaniga ee ku aaddan dib-u-furidda safaaradoodii Muqdisho


Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhoweynayso go'aanka ay dowladda Talyaaniga ku gaartay inay dib u howgelineyso safaaraddii ay ku lahaan jirtay waddanka Soomaaliya, asagoona go'aankaasi ku tilmaamay mid geesinimo leh mudanna in dalaka kale ee reer Yurub iyo caalamkuba ku daydaan.

 

"Waa go'aan geesinimo leh, waana soo dhoweynaynaa in Talyaaniga ay qaado dhabo suura gelin kara niyad sami hanaan nabadeed, safaarada ay furanayaan waxaa uu ka turjumayaa in Soomaaliya leedahay Dowlad sharci ah"ayuu yiri Axmed Walad Cabdalla oo Wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Roma kadib markii uu idlaaday shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga.

 

Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay hada ka furan tahay ilaa saddex safaaradood oo kala ah Libiya, Yemen iyo Kenya, waxaana uu tilmaamay inay tahay wax wanaagsan in dib loo furo Safaaradihii Dowladaha shisheeye ee ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho muddo 18-sano kadib.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dowladda Talyaaniga ayaa kulankii shalay ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ka sheegay inay dib uga furanayaan Magaalada Muqdisho, safaarad, isagoona tibaaxay inay noqonayaan Dowladdii u horeysay ee Reer Galbeed ah oo Safaarad ka furata Magaalada Muqdisho muddo ku dhow 18-sano dagaalo sokeeye ay daashadeen Dalka Soomaaliya.


Add New Comment