Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in safaaraddii ay ku lahaan jirtay Muqdisho ay dib u howlgeli doonto


Kaddib markii ay magaala madaxda dalka Talyaaniga ku kulmeen Ra'iiul wasaarayaasha dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga Cumar Cabdirashiid iyo Silvio Berlusconi ayey labada dal isla oggolaadeen inay dib u soo ceeshadaan xiriirkii diplomaasiyadeed ee ka dhexeyn jiray, ayadoona laysku afgartay in dib loo howlgeliyo safaaradaha labada dal u kala fadhin doona Muqdisho iyo Roma.

Ra’iisul wasaaraha waddanka Talyaaniga Mr. Silvio Berlusconi ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan safaaraddii Jamhuuriyadda Talyaaniga dib looga furi doono magaalada Muqdisho, taasoo ku burburtay dagaalladoo sokeeye ee Soomaaliya, asagoo sidoo kalena caddeeyey in Baasaboorka waddanka Soomaaliya si rasmi ah loogu qaadan karo visa talyaani ah laguna iman karo waddanka Talyaaniga.

Tallaabadan uu qaatay dalka Talyaaniga ayaa ah guul weyn oo dhinaca diploomaasiyadda ah oo u soo hooyatay Dowladda KMG ee Soomaaliya tan iyo markii lagu soo dhisay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti muddo haatan laga joogo dhowr bilood, waayoo waxay albaabada u furi kartaa xiriir buuxa oo dowladda Soomaaliya la yeelato guud ahaan waddamada Midowga Yurub EU..

Add New Comment