Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Talyaaniga


Ra'iisul Wasaarihii hore ee DKMG ee Soomaaliya mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay inuu Dowladda Soomaaliya safiir uga noqdo waddanka Talyaaniga kaddib markii ay kulmeen dowladda Soomaaliya iyo tan Talyaaniga.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo kulan la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga ka oggolaatay in Ra'iisul Wasaarihii hore Nuur Cadde uu Soomaaliya safiir uga noqdo dalkeeda.

 

Ex Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ah shaqsi magac weyn ku leh dalka Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa siyaasaddiisii qunyar socodnimada ahayd iyo weliba kaalintii lama iloobaanka ahayd ee uu ku lahaa wadahadalladii Jabuuti ee lagu soo dhisay dowladda KMG ee uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyo.

 

Magacaabista Col Nuur Cadde ayaa timid kaddib markii beryihii ugu dambeeyey aad loo hadal haayey in asaga iyo Ra'iisul wasaare ku-xigeenkiisii Mr. Axmed Cabdisalaam loo kala magacaabi doono labo safaaradood oo muhiim u ah cilaaqaadka ay dowladda KMG ah la leedahay caalamka intiisa kale.

Add New Comment