Guddomiyaha Barlamaanka oo sheegay in barlamaanku shiri doono 15-ka bishan Juun

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta sheegay in shirarkii barlamaanka laysugu iman doono 15ka bishan aan ku jirno ee Juun, kaasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Sheekh Aadan Madoobe waxa kale oo uu sheegay inaan lagu shiri doonin Xaruntii Gaadiidka Boliiska ammaandarrada ka jirta magaalada Muqdisho awgeed, asagoona ka gaabsaday inuu sheego halka loo wareejin doono oo uu kulankaasi ka dhici doono.

Guddomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka ugu horreeya ee barlamaanku isugu iman doono 15 bishan looga doodi doono mooshin ku aaddan heshiiskii is fahamka ee muranka faraha badan dhaliyey ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa xuduudda badda ee ay wadaagaan labada dal ee deriska ah.

Shirarka Barlamaanka ayaan qabsoomin muddo labo bilood ku dhow sababo ammaanka la xiriira awgood iyo weliba markii hoobiyeyaal lagu soo weeraray bishii April Xaruntii Gaadiidka Boliiska oo ay markaasi ku shirsanaayeen xildhibaannada Barlamaanka.


Add New Comment