Madaxweynihii hore ee soomaalia Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay xaaladda dalka, kuna baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo marki ugu horeeysay ka hadlay dagaaladii ka  dhacay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa sheegay inay habboon tahay in dowladda iyo kooxaha diiddan siyaasaddeeda ee Al.Shabaab iyo Xisbul Islaan inay joojiyaan dagaallada oo ay khilaafaadkooda wada xaajood ku dhammeystaan si naba loogu soo dabbaalo dalka.

qaasimB.jpgDr Cabdiqaasim ayaa ugu baaqay dhamaan garabyada ku lugta leh dagaalada sida Dowlada KMG Somalia, AMISOM, Xaraka Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam in ay joojiyaan dagaalada isla markaana ay u naxaan shacabka Soomaaliyeed ee bir mageydada ah iyo kuwa aan hubeysneeyn ee ku nool goobaha lagu dagaalamayo.

Dr. Cabdiqaasim ayaa sidoo kale soo hadalqaaday dilkii dhowaan magaalada Muqdisho loogu  geystay Agaasimihii Idaacada Shabelle, asagoona sheegay  in dilkaasu uu ahaa  waxshinimo ayna geysteen kooxo wax magarato ah, waxaana uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumka Mukhtaar Maxamed Hiraabe Allaha u naxatiistee oo 7-dii bishan lagu dilay Suuqa bakaaraha.

Waxaa uu walaac ka muujiyay dagaallada uu dhiigga badan ku daadanaya ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Dowladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda, isaga oo ku tilmaamay xaalada Soomaaliya mid u muuqata in ay ka sii dareyso.

Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan oo haatan ku nool magaalada Qahiro ee xarunta dalka Masar halkaas oo uu ku leeyhay Hoy, C/qasim ayaa dalka ka tagay markii dowladii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yusuf ay sadex jeer ku weerartay hoygiisa isla markaana ay ug eesteen ciidamo ka tirsanaa dowladaasi handadaad iyo bililaqo hantidii taalay gurigiisa.

Add New Comment