Dayarad rakaab oo ay leedahay Air France oo la waayey


air.jpgDayaarad ay leedahaya Shirkadda Dayaaradaha Air France, kana soo kicitintay magaalada Rio de Jeniero ee dalka Brazil oo ku socotay magaalada Paris ayaa la waayey ayadoo markii ugu dambeysay dul mareysay Badweynta Atlantiga ee u dhexeysa qaaradaha Yurup iyo Amerika.

Waxaa hadda socda baaritaanno ay wadaan dayaarado laga leeyahay waddamada Fransiska iyo Brazil kuwaasoo aad ugu howlan sidii loo heli lahaa halkii ay ku dambeysay dayaaraddaas oo sidday dad tiradooda lagu sheegay 232 ruux oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale.

Rakaabka dayaaradda saarnaa ayaa sida lagu soo warramayo u kala dhashay 33 waddan oo kala duwan ayadoo kuwa ugu tirada badanna ay ahaayeen Fransiis 61 iyo jinsiyado kale oo fara badan.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dayaaraddu uu ku dhacay danab (biriq), taasna aya tahay sababta loo waayey diyaaradda.

Dayaaraddan la waayey ayaa waxa tirsiga dulimaadkeedu (flight) ahaa AF447, noodunu uu ahaa Airbus A330.


Add New Comment