Xisbul Islaam oo sheegtay inay dib u qabsadeen goobihii saaka laga saaray ee Yaaqshiid iyo Saraakiisha dowladda oo beeniyey


Dagaalyahannada Ururka Xisbul Islaam  ayaa galabta dib u qabsaday  goobihii maanta gelinkii hore  ay ciidamada Dowladda KMG xoogga kagala wareegeen, goobahaas oo uu ku jiro Saldhigga Boliiska degmada Yaaqshiid.

Ciidamada Xisbul Islaam oo rogaalcelis ah ayaa weerar culus galabta soo qaaday, degaanno fara badanna kala wareegay ciidanka Dowladda KMG, ciidamada labada dhinac ayaa hadda ku kala sugan goobihii markii hore uu dagaalku kasoo billowday.

Dhanka kale saraakiisha Dowladda KMG oo qadka telefoonka lagula xiriiray ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin sheegashada Xisbul Islaam ee ah inay dib u qabsadeen goobihii maanta gelinkii dambe laga saaray, mana la hayo qaybo ka madaxbannaan oo kasoo warrama degaannadaas maadaama lagu jiro waqti habeen ah, dagaalkuna uu weli socdo.

Khasaaraha ka dhashay dagaallada maanta oo dhan ka socday degaannadaas ayaa lagu soo warramayaa inuu kor u sii kacay, ayadoo dhimashadu ay mareyso 10 qof, halka dhaawucuna lagu qiyaasay 50.

 

Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam ayaa caawa mar uu u warramayey idaacadda maxaliga ah ee Shabelle sheegay in dagaalku uu soo afjarmay isla markaana ay ciidamada Xisbul Islaam oo ay ciidamadoodu soo ceshadeen dhammaan goobihii maanta laga saaray oo uu ku jiro Saldhigga Yaaqshiid.


Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaallada ka dhacaya Muqdisho kala soco shabakadda wararka ee www.SilGor.com, insha'Allaah


Add New Comment