Dowladda KMG oo guulo ka sheegatay dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho


Dowladda KMG ayaa sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalkii ka socday qaybo ka tirsan degmada Yaaqshiid, kaasoo ay kula wareegeen gacan ku heynta fariisamo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo taabacsan ururka Xisbul Islaam.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano ayaa guulo wax ku ool ah ka sheegtay dagaalka, iyagoona ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen goobo muhiim ah oo fariisin u aheyd Xoogaga Mucaaradka.

Fariisamada ay ciidamada dowladda la wareegeen ayaa waxaa ka mid xaruntii degmada Yaaqshiid, Saldhigga Boliiska ee isla degmadaasi iyo guud ahaan inta badan qaybaha degmada, wax war ah oo arrintaas ku saabsan kama soo bixin dhinaca xoogaggii Xisbul Islaam ee dagaalkii maanta laga awoodda roonaaday degmada Yaaqshiid.

Saraakiil, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa dadweynaha kala hadlay xarunta degmada Yaaqshiid iyo Saldhigga Boliiskuba, waxayna si cad u sheegeen in goobahaas iyo inta badan degmada Yaaqshiidba ay ku soo noqotay gacata Dowladda KMG.

Dagaalka ayaa iminka si goos goos ah uga socda qaybo ka tirsan degmada Yaaqshiid, wixii warar ah ee ku soo kordhana kala socda shabakadda wararka ee www.SilGor.com goor dhow, insha'Allaah.

Add New Comment