Markabkii Sacuudiga SIRIUS STAR oo lasii daayey

Marakab laga leeyahay waddanka Sacuudiga oo muddo 2 bilood ah ay burcad badeed Soomaaliyeed haysteen ayaa galabta lasii daayey.siriusB copy.jpg

 

Markabkaan oo lagu magacaabo Sirius Star ayaa ahaa nooca qaada shidaalka, wuxuuna ahaa markabkii ugu weynaa xagga xajmiga maraakiibtii ay burcad badeedda Soomaaliyeed qafaasheen.


Sii deynta markabkan ayaa timid kaddib markii wada xaajood waqti dheer socday, una dhexeeyey burcad badeeddii qafaalatay iyo shirkaddii markabka iska lahayd uu kusoo dhammaaday in burcadda la siiyo 3 milyan oo dollar, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Nin lagu magacaabo Farxaan Cusmaan oo ka mid ah ahaa dhexdhexaadiyeyaashii kooxaha burcad badeedda iyo shirkadda markabka iska leh  oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters isaga oo  ku sugnaa magaalada Xarardheere ayaa sheegay in markabkii Sirius Star ee laga lahaa dalka Sacuudiga la sii daayey.

 

Sababta keentay in wadaxaajodyada lagu sii deynayey markabka ay qaadato muddo 2 bilood ah ayaa waxa lagu sheegay in burcad badeedda Soomaalida ah ay markii hore dalbadeen lacag aad uga fara badan inta hadda loo bixiyey madax furashada markabka, taasoo shirkaddii markabka lahaydna ay ka biyo diidday.


Burcad badeedda Soomaalida ah ayey hadalheyntooda aad u soo korortay bartamihii sanadkii tegay ee 2008, iyagoo gacanta ku dhigay maraakiib fara badan, kana helay adduun lagu qiimeeyey malaayiin dollar, waxaana intaas dheer in gacanka cadmeed oo ah marin istraateeji ku ah dhaqdhaqaaqa ganacsiga adduunka, gaar ahaan gadiidka badda ee u kala gooshaya qaaradaha Asia, Europe iyo Afrika.



Add New Comment