Bannaanbaxyo lagu taageerayo shacabka reer Falastiin oo Soomaaliya ka dhacay

Banaanbaxyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo gumaadka ay ciidamada Israel ku hayaan shacabka reer Falastiin ee marinka Gaza ayaa waxay maanta ka dhaceen qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

 

Gobollada ay bannaanbaxyadaasi ka dhaceen maanta ayaa waxay kala yihiin gobollada  Banaadir, Hiiraan iyo Shabeelada, ayadoo salaaddii jimcaha kaddib ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo muujinayey sida ay uga xun yihiin dhibaatada lagu hayo dadka reer Falastiin.

 

Dadka reer Muqdisho oo ay ayaguba tooda heysato ayaa isugu soo baxay saddex goobood oo kala duwan, waxaana goobihii ay isugu soo baxween ka mid ahaa Masjidka Shiikh Cali Suufi, Isgoyska Towfiiq iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Bannaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku cabbirayeen aragtidooda, kuna dhawaaqayey erayo liddi ku ah Israel oo wax sharci ah oo qabtaa aanu jirin, caadeysatayna ku xadgudubka dadka reer Falastiin ee xaq-u-dirirka ah, waxaana halkaas qudbooyin kasoo jeediyey mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadah Islaamka.

 

Bannaanbaxyada noocaan oo kale ah ayaa beryahan dambe gilgilayey caasimadaha carbeed, kuwa dalaka Islaamka iyo weliba guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalalka adduunka oo dhan, waxaana wax loo adkeysan waayey noqday gumaadka ay Israel ku heyso shacabkaa masaakiinta ah ee ree Falastiin iyadoon u kala aaba yeeleyn.



Add New Comment