Dagaal culus oo maanta ka dhacay Gobolka Bay

Dagaal culus ayaa maanta degaanka agagaarka degaanka Iidaale ee gobolka Bay ku dhex maray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Ethiopia oo ay weheliyaan kuwo Soomaali ah oo sida la sheegay taageera Col. Barre Hiiraale mar ay ku sii jeedeen degmada Diinsoor ee isla gobolkaasi Bay.

Dagaalkan oo aad u xoog badnaa, socdayna muddo 2 saacadood ah ayaa waxa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayadoona dagaalkan laga dareemay goobaha ku dhow dhow halka uu ka dhacay.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka degaanka oo lagula xiriirey qadka telefoonka ayaa waxay sheegeen in ay arkayeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Ethiopia oo gubanaya, waxa kale oo ay sheegeen in ay adagtahay in la sheego inta ay la egtahay qasaarada dagaalkaas ka dhalatay.

Xoogagga Alshabaab ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in ay weerarka u qaadeen si gaadmo ah ayna dhibaato weyn soo gaartay ciidamadii Ethiopia iyo kuwii Soomaalida ahaa ee la socdayba ee ayagu maalmahaan duulaanka ku ahaa degaankaas.

Faahfaahin intaas dhaafsiisan oo kasoo baxday dhinaca ciidamada Ethiopia iyo kuwii Soomaalida ahaa ee la socdayba ilaa iyo hadda ma jirto.
 
Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in xoogagga Al-Shabaab ay dib ugu laabteen degmada Diinsoor oo ay maalinnimadii shalay isaga ciidamadii Ethiopia iyo maliishiyaadkii Soomaalida ee la socdayba, kuwaas oo sida la sheegay u dhaqaajiyey dhanka gobolka Gedo.

Add New Comment