Isu soo dhowaad laga yaabo inuu dhex maro garabyada Asmara iyo Jabuuti

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in laga yaabo in isu soo dhowaad uu dhex maro labada garab ee Isbaheysiga Dib-u-xoreynta (Asmara iyo Jabuuti), kaddib markii cadaadis caalami ah lagu saaray hoggaamiyaha garabka Asmara Sheekh Xasan Dahir Aweys inuu la midoobo Isbaheysiga garabka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee dhowaanta heshiiska kula galay DKM magaalada Jabuuti, ayadoo sida la sheegaynaa uu taas Sheekh Xasan Daahir ku xiray shuruud.

Sheekh Xasan oo ahaa guddoomiyihii Golaha Shuurada ee Midowgii Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliyeed ayaa yiri  "Waa laga yaabaa inaan ku biirno Garabka Sheekh Shariif, hadii ay dalka ka baxaan cadawga, laakiin ma doonayo inaan mowqifkeena ka tanaasulno" waxaana hadalka Sheekha laga dheehan karay wax xoogaa tanaasul ah.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa isagu ah nin lagu yaqaan hal adeyg, iyo inuusan qarsan waxa isaga uu  mabda'  ahaan rumeysan yahay, ayaa haddii wararkan isa soo taraya ay rumoobaan, ayna dhacdo inay labada garab ee Maxkamaduhu midoobaan in ay meesha ka baxdo cabsidii laga qabay in khilaafku sii weynaado, taasna ay keento iska horimaad.


Sidoo kale waxaa uu beeniyay warar maalmahan isa soo tarayay oo ku aadanaa in uu socdo kulamo lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo saaxibkiisii hore Sheekh Shariif, waxaana warbaahinta Caalamka isla dhex mareysay in gogosha arrintaas ay taal Magaalada Qaahira.


Add New Comment