Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali ah oo gudaha u galay Diinsoor

Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali ah oo wada socday ayaa maanta gudaha u galay degmada Diinsoor  ee gobolka Baay, ciidankaas oo sida la sheegay habeennimadii xalay kasoo ruqaansaday degmada Ufuroow ee isla gobolkaasi.

 

Ciidamadaas qabsaday Diinsoor ayaa iska caabbin uga timid dhinaca xoogagga Al-Shabaab oo ayagu horey gacanta ugu haayey degmadaasi.


Iska horimaadkaas ayaa sida muuqata lagu jiiray difaaci Al-Shabaab oo ayagu ay halkaasi ka joogeen
ciidamo tiro yar oo u xilsaarnaa sugidda ammaanka degmada oo keliya, lama oga qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaas.

 

Isu socodkii gaadiidka iyo ganacsigii ka jiray Diinsoor ayaa dhammaan hakad galay, ayadoo ciidamadii soomaalida ahaa iyo  Ethiopiankii la socday ay hadda ku sugan yihiin meel duleedka magaalada ah.

  
Xaaladda Diinsoor ayaa ah mid kacsan, kaddib markii lasoo sheegay in xoogagga Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaq xooggan ka bilaabeen halkaas, taasoo dadka rayidka ah gelisay walwal fara badan.



Add New Comment