Burcadbadeed maanta lagu wareejiyey Puntland

Ciidamada badda ee Fransiska ayaa maanta ku wareejiyey maamul-goboleedka Puntland 19 burcadbadeed Soomaali ah oo ay dhowaan kasoo qabteen xeebaha Puntland ayagoo faraha kula jira fal dambiyeed bucadbadeednimo.ship.jpg
 

Burcadbdeeddan ayaa lagula kala wareegay meel xoogaa ka baxsan dekedda magaalada Boosaaso, kala wareegista burcadbadeedda ayaa ka dhacday markab dagaal oo Fransiisku leeyahay dushiisa.

 

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in burcadbadeeddaas laga soo dejiyey dekedda Boosaaso ayaga oo gacmaha ka xiran, dhammaantoodna ay ahaayeen niman lagu yaqaan

hawlaha burcadbadeednimo.

 

Maalmo ka hore ayay aheeyd markii ciidamada wadanka Faransiiska ay ilaa 8-ruux oo burcad badeed Soomaali ah  ku wareejiyeen ciidamada maamulka Puntland kuwaasi oo haatan ku jira Xabsiyada dhexe ee magaalada Bosaaso.

 

Add New Comment