Barre Hiiraale oo kaashanaya ciidamo Ethiopia ah ayaa la wareegay Garbahaareey

Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo ay weheliyaan kuwa ka amar qaata Col.Bare Aden Shire Hiiraale ay la wareegeen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Sarkaal ka tirsan Jabhadda Islaamiga ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia ay wadaan qorsheyaal faashil ah oo ay ku doonayaan inay dib ugu abuuraan hogaamiye kooxeedyo cusub taas dadka Soomaaliyeed u arkaan in arrinkaasi uu yahay wax laga soo gudbay,  wuxuuna sheegay in ciidanka Ethiopia iyo dabadhilifyadoodu ay jabi doonaan.

Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa waxaa uu beryahan ka wadaa gobalka Gedo dhaqdhaqaaq ciidan oo uu garab uga helaayo ciidan Ethiopian, wuxuuna sarkaal u halay uu sheegay in ciidamadoodu ay tegi doonaan ilaa iyo xarunta g. Jubbadada hoose ee Kismaayo.  

Add New Comment