Isbaheysiga Dib-u-xoreynta oo warmurtiyeed soo saaray

Isbeheysiga dib u xoreeynta garabka Jabuuti ayaa maanta warmurtiyeed uu soo saaray kaga digay in lagu degdego in laysku dayo in madaxweyne la doorto iyada oo aan weli la dhaqan gelin qodob muhiim ah oo ka mida qodobbadii lagu heshiiyey oo ahaa in marka hore Isbaheysiga iyo dawladda ay sameeyaan barlamaan mideysan oo xubnihiisu si siman loo qaybsado.

 

Sidoo kale waxa ay warmurtiyeedkooda ku xuseen in xildhibaano ka tirsan baarlmaanka dowlada kmg Soomaaliya oo qaarkood ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ay wadaan qaban qaabo ay ku doonayaan in la sameeyo madaxweyne ay yeelato dowlada kmg Soomaaliya,taasina ay taha mid dhabar jab ku noqon karta heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti.

 

Max’uud Axmed Nuur Tarzan oo ah xubin ka tirsan isbeheysiga dib u xoreeynta garabka sheikh Shariif oo mar la wediiyay maanta oo ay ku beega tahay maalintii ay dowlada Ethiopia ay balan qaaday in ciidamadeeda ay kala bexeeyso gudaha dalka oo ay weli ku sguan yihiin ayaa waxaa uu sheegay in aysan dhamaan waqtigii loo qabtay oo ay ka harsan tahay illaa caawa saqada dhexe.

 

Warsaxaafadeedka ay maanta soo saareen ayaa waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen xoogaga ka dagaalama gudaha dalka in ay u istaagaan sidii nabad buuxda loo heli lahaa si looga faa’iideeysto guushii ka dhalatay halgankii ay ku jireen sida ay ku sheegeen warsaxaafadeedkooda.

 

Ugu danbeeyntii  waxaa ay warmurtiyeedkooda ugu baaqeen beesha caalamka in ay is bar bar taagaan meel marinta heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti ayna si deg deg ah gargaar u gaarsiiyaan dadka ku dhibaateeysan gudaha dalka Soomaaliya.

Add New Comment