Maxakamadaha oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhaleeceynta loo jeediyey

Maxkamadaha Islaamka ayaa ku adkeystay inay sax ahayd tallaabada ay kula wareegeen saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho qaarkood, isla markaana nasiib daro ku tilmaamay qaabkii ay uga hadleen Ururka Al-shabaab, taliyaha ciidanka Booliska iyo guddiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Makamadaha Sheekh  Cabdiraxiim Ciise Caddow ayaa sheegay inay wax aad loola yaabo tahay in saldhigyo aan cidna joogin markii ay la wareegeen aad loo buunbuuniyo, ayadoo  isla markaana ay xoogagga Muqaawamadu qaar ay la wareegayaan meelo ay hore uga jireen weliba ay qaar Islaami yihiin.

Sheekh Cabdiraxiim Ciise ayaa caddeeyay in hadallada kasoo yeeray kooxaha qaar aanay wanaagsaneyn, ayna yihiin kuwo wax u dhimaya midnimada Mujaahidiin, isagoona qiray inuu jiro dhinac ka mid ah xoogagga muqaawamadu uu ku duuley deegaano nabad ah oo dadka degaanku ay maamullo Islaami ah u sameysteen, burburiyeyna dhammaan wixii jiray.  

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in ay habboon tahay in laga waantoobo dhaleeceynta lagu hayo Nidowga Maxkamadaha oo wax walbana lagu dhammeeyo is-afgarad oo layska daayo wararka dhalin kara dhibaato hor leh iyo iska hor imaad.

Hadalladan isa soo taraya ayaa yimid kaddib markii labo maalmood ka hor ay Maxkamadaha Islaamku la wareegeen saddex saldhig oo ay ciidammada Booliska Soomaaliyeed ku lahaayeen degmooyinka Hodan, Hawlwadaag iyo Huriwaa.  

Add New Comment