Qaybdiid oo ka biyo diiday la wareegidda saldhigyada Boliiska

general.jpgTaliyaha ciidamada Booliska General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ka biyo diiday tallaabada ay xoogagga Maxakamadaha Islaamiga kula wareegeen saldhigyo ay hore boliisku u lahaayeen oo ku yaal degmooyinka magaalada Muqdisho.          

 

General Qeybdiid oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maxkamaduhu ay la wareegaan saldhigyada boliiska ay tahay arrin aan meeshaba ku jirin, qaybna ka ahayn qodobbadii lagu heshiiyey.


Hadalka Generalka ayaa yimid kaddib markii ay mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadah Islaamiga ay maalinnimadii shalay sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta saldhigyada boliiska ee degmooyinka Hodan, Hawlwadaag iyo Heliwaa oo dhammaantoodba ku yaal gobolka Banaadir.

 

General Qeybdiid ayaa sheegay in markii hore saldhigyadaasi u banaayeen tixgelinta howlaha dib-u- heshiisiinta iyo amnaanka suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Waxa kale oo uu General Qaybdiid ugu baaqay xoogagga Muqaawamada inay dagaalka joojiyaan, asagoo taas sabab uga dhigay in la soo gaaray waqtigii ay ciidamada Ethiopia ka bixi lahaayeen dalka,

wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga faa'ideey fursaddan nabadeed ee qaaliga ah.


Add New Comment