Maxkamadaha Islaamka oo fuliyey xukun tacsiir ah

Maxkamadaha Islaamiga ee Beledweyne ayaa maanta waxa ay xukun tacsiir ah ku fuliyeen 4 qof oo shalay gelinkii dambe lagu soo qabtay iyaga oo isticmaalaya maandooriyaha xashiishka, kaddib markii ay ciidamada maxkamadaha halkaasi ka sameeyeen howlgallo baritaan ah.

 

Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay goobtii uu ka dhacayey xukunkaasi tacsiirka  ah  oo loo fuliyey sida ay qabto shareecada Islaamka, waxaana mid kasta oo ka mid ah afataas dembiile  lagu  dhuftay 20 jeydal, ayadoo xashiishkii lagu soo qabtayna isla goobtaas lagu gubay.

 

Dadka gobolka Hiiraan ayaa iyagu muujiyey sida ay raalliga uga yihiin fulinta shareecada Islaamka, iyagoona sheegay inay tahay sida kaliya ee lagu xakameyn karo fowdada iyo ammaan xumada ka jirta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Hiiraan.           

Add New Comment