Ethiopia oo sheegtay in ciidamadeedu dib ugu soo laaban doonaan Soomaaliya haddii loo baahdo

Dowladda Ethiopia ayaa caddeysay inay ku wareejisay taliska ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowladda KMG goobihii ay baneeyeen ciidamadeeda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibedda Ethiopia ayaa lagu sheegay in  dowladda Ethiopia go'aan kama dambeys ah ku gaartay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, isla markaana ammaanka dalka ku wareejisay dowladda KMG iyo ciidamada Midoga Afrika ee AMISOM.

Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda kasoo baxaya Soomaaliya ay isugu geyn doonto xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, saldhigyana uga sameyn doonto si haddii loo baahdo ay mar kale ugu soo laabtaan gudaha Soomaaliya haddii uu yimaado faraaq xagga ammaanka ah, ama loo tabar sheegto ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.    

Ciidamada AMISOM ayaa muujiyey sida ay uga  walwasan yihiin dhibaatada iman karta marka baxaan ciidamada Ethiopia, inkastoo la sheegayo inay ciidamo dheeraad ah ka iman doonaan waddanka Nigeia iyo labada waddan ee Ugandha iyo Burundi oo soo kordhin doona ciidamada hadda ka jooga Soomaaliya. 

Xoogagga Muqaawamada ayaa dhankooda u muuqda kuwo soo xoogeysanaya, niyaddooduna ay aad u sarreyso kaddib markii ay ku guuleysteen inay ciidamada Ethiopia ku qasbaan inay isaga baxaan Soomaaliya oo ay u soo galeen dano ka waaweyn sheegashadoodii ahayd inay taageerayeen dawladda taagta daran ee Soomaaliya.   


Add New Comment