Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali isugu jira oo ku soo wajahan gobolka Gedo

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada Ethiopia iyo maliishiyaad Soomaali ah oo hubeysan oo ka dhan ah xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka arrimiya inta badan gobolkaas.      

 

Maliishiyada Soomaalida ah ee la socda Ethiopianka ayaa lagu soo warramayaa inuu hor boodayo Col. Barre Hiiraale, ayadoona sida la sheegay xalay ka soo dhaqaaqay dhanka degmada Luuq ee isla gobolkaasi Gedo  kuwaasi oo la sheegay in ay ku soo jeedaan qeybo ka mid ah degmooyinka ay maamulaan xoogagga Islaamiyiinta.

 

Xoogagga Islaamiyiinta ee gacanta ku haya inta badan degaanada gobolkaas ayaa lagu soo warramayaa inay dhankooda billaabeen diyaargarow ballaaran si ay isaga caabbiyaan weerar kasta oo kaga yimaada dhanka ciidamada Ethiopia iyo kuwa dabadhilifka u ah ee la socda.      

 

 

Cabsi weyn iyo walwal fara badan ayaa soo foodsaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Gedo, kuwaasoo haddii dushooda laysku fara saaro ay dhibaatada ka dhalataayi inteeda badan iyaga ku habsaneyso, ayna dhic karto in arrintani ay sababto qax iyo barakac.  

 

Maliishiyaadka Soomaalida ah ee la socda Ethiopianka ayaa iyagu ah kuwo dhanka Ethiopia lagu soo siiyey tababarro miletari waxaana horkacaya Col. Barre Hiiraale oo isagu lagu bartay la dagaalanka iyo cadaawadda uu u haayo kooxaha Islaamiyiinta ah ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo. 

 

Degmada Beled Xaawo ayaa ah halka ay hadda ku wajahan yihiin ciidamadaas is baheysatada ah, lamana oga sababta keentay in xilligaan oo la sheegayo in Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya ay haddana duulaan kusoo tahay meelo kale oo isla Soomaaliya gudaheeda ah.  

Add New Comment