Qarax auy ku dhinteen 5 askari oo Ethiopian ah

Qarax ay ku dhinteen 5 askari oo Ethiopian ah ayaa saakay ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, qaraxaas ayaa yimid kaddib markii miino nooca dhulka lagu aaso ah, lagana hago meelo fog fog ay la ka kacday ciidamo Ethiopian ah oo miino baaris ka waday inta u dhaxeysa Jaamcadda Ummadda iyo Xarunta Ciidamada Asluubta.

 

Qaraxan oo aad u xoog badnaa ayaa ka dhacay meel ay hore u sii joogeen ciidamada dawladda oo ku dhow Ex Contarol, waxaana ku geerioyooday 5-askari oo Ethiopian ah, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen sida ay xaqeejiyeen dad goobjoogayaal ah.     

 
Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa inta badan lala beegsadaa ciidamad shisheeye ee dalka ku sugan iyo maliishyaadka DKMG, waddada Afgooyena waa halka ugu badan ee ay ka dhacaan.



Add New Comment