Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

sh_sharif_xul4[1].jpgSheekh Shariif Sheekh Axmed oo 293 cod kaga guuleystay Maslax Maxamed Siyaad Bare oo asagana helay 126 cod, kaddib markii ay isugu soo hareen wareeggii 3aad ee tartanka doorashada madaxweynaha.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbad gaaban oo uu jeediyey kaga dhawaajiyey arrimo badan oo xassaasi ah, sheegayna in si deg-deg ah loo soo dhiso doono dowladda, muqaawamada wuxuu ugu baaqay in gacmaha lays qabsado oo loo midoobo sidii dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan wax loogu qaban lahaa, dalalka deriska la ah Soomaaliyana u  caddeeyey in  Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka gobolka, diyaarna u tahay inay wax la qaybsato.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa marka hore u mahad celiyey Allaah, dadka iyo dowladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Africa, Beesha Caalamka iyo xildhibaannada Barlamaankaba

Kaddib markii Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe uu si cad ugu dhawaaqay natiijada doorashada ayaa waxa madashii ka billowday sacab iyo farxad ka muuqatay wejiyada xildhibaannada iyo in murashixiintii kale ay u baarakeeyaan Madaxweynaha cusub una ballan qaadeen inay aqoonsanaan doonaan natiijada doorashada lana shaqeyn doonaan.

Add New Comment