Doorashada Madaxweyne Cusub oo ay Soomaaliya yeelato oo goor dhow ka billaabaneysa Jabuuti

Doorashada Madaxweyne Cusub oo ay Soomaaliya yeelato oo goor dhow ka billaabaneysa  Jabuuti

Xildhibaano tiradoodu ay kor u dhaafeyso 400 ayaa ka qayb qaadan doona kala saaridda murashixiinta tobaneeyada ah ee isu soo taagay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, kuwaasoo uu mid kasta oo ka mid ah uu hore u soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed iyo uu ka qaban doono xaaladda waddanka Soomaaliya ee ay dagaaladu ragaadiyeen.

shirka jabouti.jpgMurashixiinta hadda jagadaas u taagan ayaa waxaa ka mid ah mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere), mudane Maslax Maxamed Siyaad Barre, mudane Xasan Abshir Faarax, mudane Yuusuf Cumar Azhari, waxaa sidoo kale doorashada isaga haray mudanayaal ay ka mid ahaayeen mudane Cali Maxamed Geedi, mudan Maxamed Qanyare Afrax, mudane Jinni Boqor iyo kuwo kale oo fara badan.

Dowladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ayaa si weyn isugu howlaya inay Soomaaliya mar uun yeelato dowlad midnimo qaran oo soo celisa qaranimada iyo nabadda faraha ka baxday ee Soomaaliya, hase ahaatee waxa aan la hubin sida loogu qancin doono garabyada kale ee muqaawamada oo qaarkood ay si cad u diideen natiijadii kasoo baxday heshiiskii Jabuuti oo saldhig u ahaa qorshaha la doonayo in lagu soo dhiso dowlad midnimo qaran.



Add New Comment