Midowga Maxkamadaha oo la wareegay saldhigyo boliis

Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta qaar ka mid ah Saldhiyada Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo aan horay ugu howl geli jirin Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka dhinaca Howl galada ee Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho in goobaha ay gacan ku hayntooda la wareegeen oo gaaraya sadex saldhig ay ula wareegeen si loo adkeeyo ammaanka caasimada iyo dadka shacabka ah waxaana uu intaasi ku daray inaysan jirin cid ay ugu danleeyihiin la wareegida goobahasi.

C/raxiim Ciise Caddow ayaa ka gaabsaday su'aal saxaafadu weydiisay oo ahaa inay la wareegayaan gacan ku heynta meelaha ay ka baxaan Ciidamada Ethiopia, isagoona sheegay in ay ujeedadooda tahay sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen.

Waxaa uu xusay inay sii wadayaan inay sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyagoo kaashanaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir waxaana uu taageeray dadaalada culumada u diinka soomaaliyeed ee u taagan inay xaliyaan khilaafka mujaahidiinta dhanka fikirka ku qaysamay.
 
Shalay ayay aheyd markii Xoogaga Kacdoonka ay la wareegeen Saldhigyada Booliska Degmooyinka Huriwaa, Hodan iyo H/wadaag, kaasoo lala xiriiriyay inay ku qotonta la wareegitaanka meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Ethiopia.

Xoogaga Maxkamadaha garabkan la wareegay saldhigyadaas ayaa la rumeysan yahay inay yihiin garabka taabacsan Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo hogaamiya garab ka mid ah Maxkamadaha, isla markaana ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa hadal haaya tallaabooyinka cusub ee Xoogaga Maxkamaduhu ka wadaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kula wareegayaan Saldhigyada Booliska ee ka hore Ciidamadii ku sugnaa lagaga soo ceyriyay.

Dhaq dhaqaaqyadan Xoogaga Maxkamadaha ka wadaan Caasimada Muqdisho ayaa ku soo beegmeysa xilli ay jirto calaamad muujineysa in Ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan gudaha dalka soomaaliya Sida ay Dowladda Ethiopia xaqiijisay maalinimadii shalay.

Add New Comment