Xulka Qaranka kubada Cagta Somalia oo 1 - 0 kaga adkaaday xulka Tanzania

Xulka Qaranka kubada Cagta Somalia oo 1 - 0  kaga adkaaday xulka Tanzania

Xulka Qaranka kubbada cagta ee Somalia ayaa guul taariikhi ah ka soo hoyey ciyaar adag oo galabta magaalada Kampala ee dalka Ugandha ku dhexmartay iyaga iyo kooxda xulka Qaranka ee dalka Tanzania taasoo ka tirsaneyd tartanka bariga bartamaha Afrika oo ee halkaasi ka socda oo ay ka qeyb galayaan illaa 10 dal oo Afrikaan ah.

Ciyaartan oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey oo aad u xiise badneyd ayaa waxaa goolkii ugu horeeyeyqaranka copy.jpg qaybtii hore ee ciyaarta u saxiixay xulka qaranka Soomaaliyeed ciyaartoyda lagu magaacaabo Ciise midnimo oo ka mid ah kuwa ku nool wadamada Europe, waxaana ciyaarta oo aheyd mid aad xamaasad badan xulka Qaranka Soomaaliya u suurta gashay iney difaacdaan golkaasi.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo ay isku guruub ku wada jiraan wadamada Tanzania, Ugandha iyo Sansibar ayaa horey 2-0 looga soo badiyey ka dib markii ciyaar nasiibku uu ka hiiliyey ay la yeesheen maalin ka hor xulka dalka Zanzibar, waxaana u dhiman oo ay la kulmi doonaan xulka qaranka dalka Ugandha oo ah dalka loo martida yahay oo isagu la sheegay inuu ka mid yhaay xulalka ugu adag ee tartankaasi ka qeyb galaya kaasoo haddii ay badiyaan ay u soo gudbi doonaan wareega labaad tartanka bariga iyo bartamaha Afrika, waxaana galabta soo buuxiyey garoonka tagaeerayaal boqolaal gaarayey oo Somaliyeed

Add New Comment