Ciidamada Ethiopia oo duqeeyey degaanka Garas Baaleey

Ciidamada Ethiopia ayaa madaafiic ku garaacay degaanka Garas Baaleey ee duleedka magaalada Muqdisho
oo ay deggan yihiin dad fara badan oo markoodii hore ka soo barakacay dagaallada Muqdisho ku dhex mara ciidamada soo duuley iyo xoogagga muqaawamada.

Duqeynta ay ciidamada Ethiopianka ahi u geysteen degaankaas ayaa timid kaddib markii xarakad Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xerada Asluubta oo ay deggan yihiin ciidamo fara badan oo Ethiopian ah, taasoo dadka qaar u qaateen in qayb Al-shabaab ka mid ah ay mar walba qalqaaliso in duqeyn loo geysto meelaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah.        

Warar aan ka helnay deegaanka Garas baaleey ayaa xaqiijinayo in Madaafiic Culus oo lagasoo ridayay Asluubta ay halkaas kusoo hoobatay, Dadka ku Barakacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay cabsi balaaran soo wajahday.

"Madaafiic culus ayaa nalagu soo riday, dhibkuna ma yara ......... bal xaggeen aadnaa?" sidaas waxa yiri nin ka mid ah barakacayaasha halkaa sida ku meelgaarka ah u deggan oo magaciisa ku soo gaabiyey Afrax kaddib markii lagula xiriirey qadka telefoonka.

Madaafiicdan ayaa kusoo beegmeysa xilli la filayey in Ethiopianku ay isagaba baxaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Add New Comment