War saxaafadeed Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta

Isbaheysiga Dib U Xoreynta ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ku aadan mustaqbalka dalka, marka ay dalka ka  baxaan Ciidamada Itoobiyaanka, ayagoona  baaq u jeediyey shacabka iyo xoogaga  muqaawamada, war saxaafadeedkuna sidatan ayuu u qornaa :
Isbahaysiga Dib Uxoraynta Garabka Jabuuti.JPG

Ujeedo: - Warsaxaafadeed

Waxaa la joogaa xiligii ay soomaalida wax qabsan lahayd


Waxaa marka hore u mahadnaqeynaa Alle SW, marka xigtana waxaan salaam diiran u diraynaa walaalaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, waxaan hanbalyo iyo Bogaadin u diraynaa Muqaawamada Soomaaliyeed ee u dhabar adaygtay iska caabinta Ciidamada Shisheeye.

Intaa ka dib waxaad la wada socotaan in wadanka Soomaaliya ay ku dhacday Dhibaatooyin aan halkaasi lagu soo koobi Karin sanadihii u danbeeyay dhinac kastaba, dhanka Bulshada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Dhaqanka, iyo Diinta, waxaana wadanka ka dhacay waxyaabo aan lagu aqoonin Dhaqanka Islaamka iyo kan soomaalidaba sidaa darteed ayaa waxa uu isbahaysgia Dib u xoreynta Dalka Soomaaliya soo jeedinayaa Arimahan soo socda:-

1-Isbahaysiga waxa uu Mahad iyo Bogaadin u soo jeedinayaa Dhamaan Xoogaga Muqaawamada iyo Shacabka Soomaaliyeed Meel Kasta oo ay Joogaan sidii Habsamida lahayd ee ay isbahaysiga ugu soo dhaweeyeen Magaalada Muqdisho.

2-Waxa uu isbahaysiga soo dhaweynayaa Talooyinkii ay soo jeediyeen Dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada sida:- Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Dhalinyarada, Ururada Bulshada iyo Taageeradii ay ka muujiyeen Meel marinta Heshiiska Djibouti.

3-Isbahaysiga waxa uu ku Baaqayaa mar kale in la joojiyo Dagaalada aan Macnaha ku dhisnayn ee ka soconaya Dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu Baaqayaa in wada hadal ku dhameystaan Dhinacyada iska soo horjeeda ee ku Dagaalamaya Gobolada Dhexe waayo ma jirto Ujeedo Sax ah oo loo daadiyo Dhiig sokeeye mar haddii ay Dhaqan galeen Heshiiskii Djibouti.

4-Wuxuu isbahaysigu Canbaareynayaa Fal kasta oo ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo Dhaqanka soomaalida ee kuwajahan Hanjabaadaha loo geysanayo Culimaa’udiinka Qeybahooda kala duwan iyo sidoo kale Dilalka Gaadmada ee Xaq darada ku dhisan ee lagula kacayo Bulshada Qeybaheeda kala duwan.

5-Waxaan soo dhaweynaynaa iscasilaada C/laahi Yuusuf, waxaana Isbahaysiga u arkaa in ay horseedayso Dhismo Dowladnimo Qaran iyo Nabad kuwada Noolaasho Shacabka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan.

6-Isbahaysiga waxa uu mar kale Shaaca ka qaadayaa in la gaaray Xiligii ay bixi lahaayeen Ciidamada Itoobiya lana Doonayo in ay Shacabka Muujiyaan Dareenkooda ku aadan Nabada ee aan wax Xabado ah lagu ridin marka ay bilaabmaan Bixitaankooda.

7-Waxaan ka soo horjeednaa waxyeelada loo geysanayo Hay’adaha Samafalka iyo Shaqaalahooda ee ku sugan Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ugu Baaqaynaa Dadka ku kacaya Falalkaa lidka ku ah Masaalixda Shacabka in ay ka waantoobaan.

8-Wuxuu isbahaysigu Cadaynayaa Diyaarna u yahay in la joogo xiligii la dhaqan galin lahaa Go’aanadii ka soo baxay Heshiiska Djibouti ee ay kuwada gaareen Isbahaysiga iyo Dowlada TFG-da.

9-Wuxuu soo dhaweynayaa Isbahaysiga Ciidamada Xooga Dalka soomaaliyeed isaga oo aan u eegayn Deegaanada ay ka soo jeedaan.

10-Isbahaysiga waxa uu soo dhaweynayaa Baaqa ka soo yeeray Dowlada Maraykanka ee ku wajahan in ay Taageero Hiil iyo Hooba ka geysanayaan Nabadaynta Dalka Soomaaliya iyo qorshihiisa uu wax uga badalayo Siyaasada Geeska Afrika.



Xog hayaha Dib-U heshiisiinta Isbahaysiga.
Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (Sheekh Fanax)

Add New Comment