Dagaallo ka soo cusboonaadey Guriceel

Dagaalo qaraar oo u dhexeeya Al shabaab iyo Ahlu-sunnah ayaa mar kale ka soo cusboonaaday degmada Guriceel ee gobolka Galaduud.

Dagaaladan oo ah kuwo aad u xooggan, una dhexeeya labada urur diineed ee beryahan dambe isku haysta gacan ku heynta degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud oo ay Guriceel ku jirto ayaa waxa laysu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dagaalka ayaa markii hore si toos ah uga billowday tuulo bariga kaga beegan degmada Guriceel oo lagu magacaabo Ceel Baraf. 

 

Isla markii uu dagalku billowday ayey dadkuna billaabeen inay halkaasi isaga cararaan Guriceel iyo degaannada ku xeeran.

 

3 maalmood ka hor ayey ahayd markii uu halkaasi dagaal qaraar ku dhex maray xoogag kala taagersan Ahlu-Sunnah iyo Al-Shabaab, kaasoo markii dambe ay Ahlu-Sunnah kula wareegeen gacan ku haynta Guriceel.

 

Dagaalkan oo kusoo beegmay xilli ay ciidamadii ethiopia ee haystay degmada Balaballe ay halkaasi isga baxeen. Wax war ah kama soo bixin dhinacyada dagaalamaya, lamana oga qasaaraha ka dhashay.

Add New Comment