Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde oo Addis ku sugan

Madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'iisalwasaare Nuur Cadde ayaa labaduba ku  sugan Magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wadatashiyo kula leeyihiin Madaxda Ethiopia iyo Urur Goboleedka IGAD.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay gaaray Magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu kaga sii horreeyey Mr. Nuur Cadde oo halkaas kusoo dhoweeyey.

Mar uu Sheekh Aadan Madoobe shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu sheegay in sababta uu u tegayo magaalada Addis ay tahay ayadoo dawladda Ethiopia ay ugu yeertay si looga wadatashi looga yeesho arrimaha cakiran ee Soomaaliya.   

Ethiopia oo sida muuqata aad uga walwalsan waxa ay ku sugnaan doonto xaaladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay mar kale madaxda Soomaalida la yeelato xirriir wanaagsan, kaddib markii ay cadaadis ku saartay madaxweynihii hore oo saaxiib dhow la ahaa inuu meesha isaga tago.

Madaxda Soomalidu kolley maanta wey ogaadeen in Ethiopianku doonayaan oo keliya kuwo ka shaqeeya danahooda oo marka dambena ay daaqadda ka saaraan amaba iska xirtaan.

Add New Comment