Bandow Xalay lagu soo rogay Guriceel

Xoogagga Ahlu-Sunnah ee gacanta ku haya degmada Guriceel ayaa lagu soo warramayaa inay xalay halkaas bandow kusoo rogeen, ayadoo dhanka kalena ciidamadii Ethiopianka ee joogay degmada Balanballe ee isla gobolkaas Galgaduud ay iyana isaga baxeen halkaas kaddib markii ay muddo bil ah haysteen.

Bandowga lagu soo rogay degmada Guriceel ayaa kusoo beegmay xilli ay dhowaan xoogaggii Al-shabaab halkaa lagag saaray dagaal ay isla galeen kooxda la baxday Ahlu-Sunnah ee dhowaantan ku soo biirtay xoogagga hubeysan ee Soomaaliya.    

Dadka reer Guriceel ayaa is weydiinaya bal inay suurtagal tahay weerar mar kale magaalada uga yimaada xoogagga Al-Shabaab iyo in kale, ayadoo wararka qaarna ay sheegayaan in Ururka Al-Shabaab ay duulaan ku soo yihiin magaaladaas.

Add New Comment