Ciidamada Ethiopia oo diyaargarowgii ugu dambeeyey ku jira

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in saaka la dareemayo dhaqdhaqaaq ay ka wadaan ciidamada Ethiopia fariisimada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, dhaqdhaqaasoo dadka reer Muqdisho intooda badan ay ku micneeyeen in lasoo gaaray bixitaankii ciidamada ay guuldarradu ku habsatay ee Ethiopia.

Meelaha sida gaarka ah loo tilmaamayo ee uu dhaqdhaqaaqa la dareemi karo ka jiro ayaa waxay kala yihiin Warshadda Baastada iyo Xeyle Bariise, waxaana la filayaa in ciidamada Isbaheysiga Dib-u-xoreyntu ay markiiba la wareegi doonaan goobahaas uu cadowgu ka bixi doono.   

Shalay ayey ahayd markii afhayeen u hadlay xafiiska ra'iisalwasaaraha Ethiopia uu sheegay inay durba billaabatay ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya.

Ururrada ka dagaalama gudaha Soomaaliya ayaa iyagu tallaabadaan u arka guul ku timid rabitaanka Allaah iyo halgankii ay u soo galeen la dagaalanka isbaheysatada sida xaaraamta ah ku soo galay koofurta Soomaaliya ee ka koobnayd Ethiopianka iyo dabadhilifyadoodu ayna gebagebadoodii noqotay burbur iyo kala carar.

Add New Comment