Ahlu-Sunnah oo la wareegay gacan ku haynta Dhuusamareeb

Ahlu-Sunnah Waljamaaca ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, kaddib markii uu halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo saakay kusoo qaadeen.
 

Dagaalkan oo dhabtii ahaa mid aad u xooggan ayaa wuxuu ka dhacay bartamaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna socday muddo saacado ah.

 

Qasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxaa lagu sheegay 10 ruux oo ku naf waayey  iyo 15 kale oo ku dhaawacmay, waxaana weli meel duleedka magaalada ah laga maqlayaa dhawaqa rasaasta ka dhacda hubka waaweyn iyo midka fududba.

 

Gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan deggan, dhaqdhaqaaqii dadweyanahan dib ayuu uga billowday magaalada, ayaadoo dadweynuhuna ay soo eegayaan goobihii dagaalka xooggiisu uu ka dhacay.

 

Dagaalladan soo noqnoqday ee Gobolka Galguduud ayaa waxay u muuqdaan kuwo ay ciidamada labada dhaqdhaqaaq ee Islaamiga ah ay ku kala bixi la'yihiin, ayadoo qoloba mar ay qolada kale kala wareegto gacan ku heynta degmooyinka gobolka qaar, haddase Ahlu-Sunnah ayaa u muuqda inay gobolka intiisa badan la wareegayaan oo ay kaga tabar roonaanayaan ciidamada Al-shabaab.

Add New Comment