Xubnahii ARS ee ku biiray Barlamaanka oo maanta la dhaariyey

Xaflad goor dhoweyd ku soo gaba gabowday Guriga Umadda ayaa lagu dhaariyay Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta uga mid noqonaya Baarlamaanka Dowladda Midnimo qaran ee Soomaaliya, iyagoona maanta si rasmi ah ugu biiray Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo ah Hogaamiyeyaasha Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa noqday xubnihii u horeeyay ee la dhaariyay, iyadoona tirada kale ee Isbaheysiga ay ku daba xigeen oo iyana la dhaariyay.

Xaflada Dhaarinta ee Xubnaha isbaheysiga lagu dhaarinayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah iyo Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo fadhiyay halkii lagu dhaarinayay Xubnaha Isbaheysiga.

Sheekh Aadan Madoobe oo ah sii hayaha xilka Madaxweynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka oo mid mid u yeerayay magacyada Xubnaha Isbaheysiga ee ku soo biiray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xubnaha la dhaarinayay ay ku dhaarteen Magaca ALLE, iyagoona cadeynayay inay si daacad ah u gudan doonaan xilalkooda.

Dhaarinta Xildhibaannadii ka yimid Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay ka dhigan tahay in la isku daray Xildhibaannadii Dowladda Federaalka iyo kuwa Isbaheysiga, inkastoo ay weli harsan yihiin 75 Mudane oo uu Isbaheysiga u reebay Mucaaradka weli ka maqan geedi socodkan xalka loogu raadinayo Soomaaliya iyo dad kale oo aan looga maarmi karin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Labada Dhinac oo markii u horeysay si rasmi ah isu soo hor fariistay, isla markaana isku darsoomay ayaa waxay dhan yihiin 475 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Midnimo qaran, waxaana maalinta sabtida ay dooran doonaan Madaxweyne Dowlad Midnimo qaran oo ay yeelato Soomaaliya, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn midka uu noqon doono musharixiin badan oo qabashada jagadaas isu soo sharaxay.

Dhinaca kale Kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay Guriga Umadda ka hor inta aysan bilaabay dhaarintan Xildhibaanada cusub ee ku soo biirayay ayaa waxaa uu ansixiyay oo uu meel mariyay in lagu kordhiyo jiritaanka Baarlamaanka Soomaaliya 2 sano iyo 8 bilood oo isugu jirta inta ka harsan Waqtigii TFG-da iyo labo sano oo ay jiri doonto Dowladda cusub.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka muuqanaya ifafaalihii ugu wanaagsanaa ee dhinaca Nabada ee dhinacyada Soomaalida ay ku wadagayaan Dowlad midnimo qaran kaasoo la filayo inay shacabka soomaaliyed ee dhibaatada ragaadiyay inay ka saarto dhibaatada oo ay lugaha la sii galeyso sanadkii 20aad.

Add New Comment