Midowga Afrika oo sheegay in Ciidamada Ethiopia dib ugu laaban doonaan Soomaaliya, si ay ugu hortagaan is ballaarinta Islaamiyiinta.

Ururka Midowga Afrika ayaa fariin culus ka soo saaray is ballaarinta Kooxaha Islaamiyiinta mayalka adag ee Soomaaliya, maalin kadib markii ay la wareegeen Magaalada Baydhabo oo xarun u aheyd Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jean Ping oo wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay suura gal tahay in Ciidamada Ethiopia dib ugu laabtaan Soomaaliya, si ay meesha uga saaraan khatarta Kooxaha Islaamiyiinta.

Waxaa uu sheegay Mr Jean in Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya aanay xilligan suura gal aheyn in meel walba ay tagaan, laakiinse waxaa uu xusay in Ciidamadooda ay tiro yar yihiin.

"Hadii ay timaado khatar dhinaca ammaanka ah, waa suura gal in Ciidamada Ethiopia ku labtaan Soomaaliya oo ay baacsadaan Kooxaha Islaamiyiinta"ayuu yiri Jean Ping oo intaa ku daray in wax aan fileyn ay ku noqotay qabsashada Alshabaab ee Magaalada Baydhabo markii ay faarujiyeen Ciidamada Ethiopia.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimo dibadeedka IGAD oo shir deg deg ah ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ayaa cambaareeyay qabsashada Shabaabka ee Magaalada Baydhabo oo aheyd xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Ethiopia ayaa sheegay inay cambaareynayaan tallaabada ay ku qabsadeen Shabaabka Magaalada Baydhabo, waxaana uu jeediyay hadal ka duwan kan Midowga Afrika ee ahaa in Ciidamada Ethiopia ku soo laaban doonaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in aanay Ciidamada Ethiopia ku soo laabaneyn gudaha Soomaaliya.

Add New Comment