Bililiqo xoog leh oo loo geestay xarumaha dowladda ee Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladdu mar qura isu beddeshay jihawareer iyo fowdo, ayadoona ay magaalada ka billaabatay bililiqo xooggan kaddib markii dadweyne fara badan ay ku soo xoomeen xarumaha madaxtooyada iyo barlamaanka (ADC).

Bililiqada lagu haayo xarumaha dowladda KMG ayaa waxaa barbar socda rasaas aad u xooggan iyo qaraxyo laga wada maqlayo magaalada oo dhan, halka warar kalena ay sheegayaan in xarumihii dowladda dab la qabadsiiyey.

Ciidankii ilaalada gaarka u ahaa madaxweynihii xilka iska casilay ee DFKM Col. Cabdullaahi Yuusuf  oo ayagu ilaalo ka hayey xarumaha madaxtooyada iyo barlamaanka ayaa xalay saqdii dhexe isaga baxay halkaas, kaddib markii ay soo korortay cabsida ay ka qabaan in uu Baydhabo ku qabsado dagaal ay la galaan Al-Shabaab ayadoo aysan hadda dalka joogin ciidamo Ethiopian ah oo hiilliya.

Ilaalada madaxtooyada ayaa la sheegayaa inay u jiheysteen Puntland oo ahayd halkii markii hore laga keenay, waxaana goobihii ay ka baxeen isla markiiba la wareegay maleeshiyooyin degaanka ah oo ka soo jeeda beelaha D&M.


Add New Comment