isbahaysiga dib u xoreynta oo sheegay in uu xilka madaxweynenimo u taaganyahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaa galabta waxaa ay shaaca ka qaadeen in  sheikh Shariif Sheekh Axmed uu u taaganyahay qabashada xilka madaxweynenimad Soomaaliya.

 

Kadib bayaan ay ka soo saareen xafiiska ay ku leeyihiin magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa isbahaysiga dib u xoreynta garabka Casmara waxaa ay ku sheegeen un gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta garaka uu hogaamiyo sheikh Shariif Sheekh Axmed ay u doorteen in uu u tartamo qabashada xilka madaxweyne sheikh Shariif Sheekh Axmed  kaasi oo ka qeyb galaya doorashda madaxtinimo ee  ka dhacaysa dalka Jabuuti.

 

C/raxmaan Ibbi oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga oo aqrinayay bayaan ay ku soo sharaxeen shariifka ayaa sheegay in sababaha ay u soo sharexeen sheikh shariif ay tahay in uu yahay ninka ku haboon qabashada xilkaasi islamarkaana ay ku rajo weynyihiin in uu ku soo celiyo dalka Soomaaliya qaranimadii uu lahaa.

 

Dhanka kale sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay sida ay xubnaha isbahaysigu ugu doorteen in uu u tartamo jagada madaxweynaha Soomaaliya isagoo si aad ah ugu mahadceliyay dhamaan xubnahaasi.

 

Sheikh ayaa waxaa uu tilmaamay in uu diyaaar u yahay xilka ay saareen isbahaysiga isagoo sheegay in uu u diyaar garoobayo sidii uu isugu taagi lahaa qabashada xilka madaxweynenimo taasi oo daarashadiisu ay ka dhaci doonto maalmalaha soo aadan magaalada Jabuuti.

 

Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa musharaxiin badan oo u taagan qabasahada xilka madaxweynenimada Soomaaliya kuwaasi oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare Nuur Cadde.

Add New Comment