Ethiopia oo sheegtay in ay dhamaystirtay ka bixitaankeeda dalka Soomaaliya

 

Afhayeen u hadlayey dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Berkedd Simon ayaa waxaa uu wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Ethiopia gebi ahaanba soo dhameystireen ka bixitaankoodii Soomaaliya.  

 

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee dowladda Ethiopia ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Ethiopa ay dhamaystirtay howlgalkii ciidamadeedu ay ka hayeen dalka Soomaaliya islamarkaana si buuxda ay kaga soo baxeen.

 

Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya soo galay dhammaadkii sanadkii 2006, xiligaas oo ay dagaal la galeen ciidamada maxkamadaha islaamiga oo markaasi gacanta ku haayey inta badab gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa bishaan Jannaayo 15-keedii ayay banneeyeen fariisimihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho oo ay ja geysteen xasuuq, ayadoo muqaawamaduna ay ku heysay dagaal joogto ah oo markii dambe ku kallifay inay iskood u goostaan ka bixitaankooda Soomaaliya.



Add New Comment