Macalim Cumar Anyeelo oo si heer qaran ah loo aasay

anyelosp.jpg

Waxaa shalay oo Jimce ahayd 23/01/2009 galabnimadii, salaadda casir kaddib, salatul Janaasa lagu tukuday laguna aasay qubuuraha Saffron Hill Cemetery ee magaalada Leicester ee waddanka UK macalinkii xulka Qaranka Kubadda kolayga Soomaaliyeed marxuum Cumar Mohamed Cumar (Cumar Anyeelo) Allaha u naxariistee.


duug1.jpgMarxuum Cumar Anyeelo oo si heer Qaran ah loo aasay ayaa waxa Janaasadiisa ku tukaday kana soo qeyb galay Culumaa’udiin, madax ka socotay Gudiga Olambikada Soomaaliyeed (G.O.S.), iyo weliba cayaartoy taariikh ku leh Isboortiga Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis), Cabdulqaadir Isoo Mareey, Ahmed Shell , Axmed Maxamuud Cali (Aabaliisha), Zakariya Maxamed Baliile, Maxamed Ismaaciil, Saciid Ceeyrow, Muriidi Abanuur, Axmed Nuur (Seyga Ruushka), Cabdulqaadir Biriq, Cabdinuur Munashiibiyo, Maxamed Axmed Deysane, Maxamed Faaqid, Bile Cali (Bile Madbaco), Shiino Guhaad, Maxamed Sheekh, Cabdulqaadir Garweyne, Eng. Baana Cali, Axmed Bile,
Muriidi Yaaweli, Cabdiqani Jeenyo, Cabdijabaar Munashiibiyo, Cabdnaasir Saqbadha, Abuukar Gaab,  iyo Cayaaryahanno kale oo fara bada isuguna jiray kuwii hore iyo kuwii dambeba, cayaaryahannadaas oo kasoo kala jeeday ciyaaraha Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, waxa kaloo ayaguna kasoo qaybgalay aqyaar sportivo ah oo kala ahaa ; Digeeye, Cabdulqaadir Mooge, Maxamed Buube, Dhuumaye, Nuur Dheere, Warsame Cumar Cabdulle iyo Bile Jacfar.

Waxa sidoo kale kasoo qaybgalay aaska marxuumka eheladiisa oo ka kala yimid qaaradahaduug2 copy.jpg adduunka oo dhan, ayadoo kuwii ugu badnaana ay ka yimaadeen magaalada London, dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan oo ayaguna ka qaybgalka aaska marxuumka dartii u yimid waddanka UK, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee magaalooyinka Leicester iyo London ayaan ayaguna lasoo koobi karin sida weyn ee ay uga soo qaybgaleen , waxa iyaguna qubuuraha Saffron Hill ka muuqanayey weriyeyaal fara badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi oo uu ugu horreeyety Universal TV.

Aaskii marxuumka kaddib, ayaa waxaa halkaasi wacdi diini ah oo dadka ku baraarujiyey  Alle ka cabsiga  ka soo jeediyay daaciga weyn ee Soomaaliyeed Sheieh Cusmaan Xaaji Yuusuf (Cusmaan Usuli) kaas oo runtii fariintii ay aad ugu qushuuceen dhammaan dadkii dhegeysanayey oo intooda badan ilmeynayey intii uu Sheekhu wacdiga waday, wuxuuna sheekhu ugu dambeyntii faray dadka in loo duceeyo marxuumka lana cafiyo iyo in Rabi naxariistii Janno looga baryo, Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka tegayna uu sabar iyo Iimaan ka siiyo.

duug3.jpgHawshii aaska iyo wacdigii sheekha kaddib ayaa waxaa si wada jir ah loo soo aaday  xaruntii loogu tala galay in laysugu yimaado oo ahayd Masaajidka Quba, ee ku yiaal magaalada Leicester, xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay. Halkaasoo lagu diyaariyey Allabarigii loogu talagalay  in marti sharaftii dibedda magaalada Leicester ka timid.

Waxa wax lagu farxo runtiina wax ku dayasho mudanna  ahayd sida walaaltinimada iyo isku xirnaantu ka muuqatay ee ay dhacdadaan u qaabileen reer Leicester oo runtii aad isu abaabulay mudanna in jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba kaga daydaan.

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada aaska Marxuum Cumar Maxamed Cumar  (Cumar Anyeelo) ay u xilsaareen eheladiisa Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis) oo asaga qudhiisu ah cayaaryahan hore kuna hadlayey magaca ehelada ayaa mahad ballaaran u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester, cayaartooyda, ehelada iyo dadweynihii Soomaalida iyo ajnabigaba lahaa ee ka qaybqaatay aaska marxuum Cumar Anyeelo.

Sidoo kale waxaa reer Leicester iyo dhammaan intii ka qaybqaadatay aaska walaalkeen marxuum Cumar Anyeelo gaar ahaan guddigii reer Liecester ee u xilsaarnaa aaska Adv. Daahir Xasan (Doros), C/Qaadir Biina, Cumar Dheere, Cabdullaahi Shiine, Cilmi Daqare, Cabdullaahi Saneey, Siyaad Daahir, Daa'uud Muuse, bahda Sportiga Soomaaliyeed mahadnaq u diraya maamulka iyo qorayaasha website-ka www.SilGor.com oo dhammaantood ehel u ahaa marxuumka.

Add New Comment