Weerar ismiidaamin oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Ugu yaraan 15 ruux oo rayid ah, ayaa ku geeriyootey tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku qarxiyay wadada Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa nuuc ismiidaamin ah ayaa waxaa uu maanta barqanimadii ka dhacay wadada shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho halkaasoo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika.

Weerarkan ismiidaaminta ah oo ay sheegteen kooxda Al shabab ayaa bartilmaameedkiisu waxaa uu ahaa Ciidamada Midowga ee fariisinka ku leh isgoyska guryaha shaqaalaha.

Sargaal ka tirsan Al shabab oo la soo xariirey Idaacadda HornAfrik ayaa isaga oo aan magaciisa sheegin waxaa uu sheegay in weerarkaasi iyagu ay ka dambeeyeen islamarkaana sida uu hadalka u dhigay ay ku qarxiyeen ilaa dhowr gaadiidka Ciidamada Amisom ay leeyihiin halkaasoo Mas’uulkan Al shabab ka tirsan uu sheegay in askar badan oo ka tirsan Amisom ay ku dileen.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Barigye Bahako oo kusugan Muqdisho, ayaa isna waxaa uu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray Ciidamadooda iyo waliba gaadiidkooda, hase ahaatee waxaa afhayeenkaasi uu u sheegay wakaalada wararka Reuters in kooxda weerarkan gaysatay ay xasuuqeen shacabka rayid ah oo aan waxba galabsan.

Guddoomiyeha Maamulka Gobolka Banadir Maxamed Cusmaan dhagaxtuur ayaa waxaa isna uu sheegay in weerarkaasi uu sababey dhimashada dad badan oo rayid ah iyo dhaawaca 14 ruux.

Dhagaxtuur ayaa sheegay in dadkii dhintay qaar kood la aqoonsan waayay meydadkooda waxaana uu intaasi ku daray dadka dhaawacmey qaar ka mid ah ay gaarsiiyeen Isbitaalka Madiina.iyadoo sadex ka mid ahaa dadka dhintay ay haween ahaayeen.

13 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay gaari Bas ah kadib markii qofka ismiidaamiyay oo watay gaari Roneed ah oo uu is qarxiyay waxyar kadib markii askari Boolis ah uu joojiyay gaariga Roneedka ah ee walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaa halkaasi ku dhintay qofkii ismiidaamiyay iyo askarigii booliska soomaaliga ahaa ee gaariga joojiyay taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa 15 ruux oo 013 ka mid ah ay yihiin rayid.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax ismiidaamin ah loola beegsado ciidamada Amisom horey ayaa qarax nuucaan la mid ah loola eegtay Ciidamada Burundi,waxaana qaraxyadu inta badan ay dhibaato u gaystaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan.

ugu dambeyntii qaraxaasi kadib ayaa waxaa Ciidamada Amisom ay duqeeyeen qeybo ka mid ah degmada Hodan iyo suuqa Bakaaraha halkaasoo ay ku dhinteen inta la ogyahay 2 ruux oo rayid ah iyadoo dhaawacyadu ay kor u dhaafayaan in ka badan 30 ruux.

Add New Comment